Safiir Tarsan oo Farmaajo ugu baaqay in uu iscasilo

by admin | Saturday, May 1, 2021 | 387 views

Safiirka dowladda Soomaaliya u qaabilsan dalka Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo ka mid ah Shaqsiyaadka sida weyn ugu dhow Madaxweynaha muddo xileedkiiso dhammaaday ayaa ka dalbaday markii hor taggo baarlamaanka Soomaaliya in uu iscasilo.
Tarsan ayaa sheegay in Soomaaliya ay maanta ku sugan tahay xaalad adag oo mudan in Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu u tanaasulo si looga baaqsado burbur soo gaara Muqdisho.

Waxaa uu tilmaamay haddii maanta uu Madaxweyne Farmaajo uu u tanaasulo dalka in uu noqon doono halyay ay taariikhdu xusi doonto balse haddii ay taasi dhici weyso in uu qeyb ka noqon doona dhibaatada ka taagan caasimadda.
Waxaa uu sheegay in ciidankii la dhisayay sanadyadii ugu dambeysay maanta ay kala qeybsadeen oo maanta ay kala taageerayaan Musharaxiinta iyo Madaxweyne Farmaajo ayna tahay Qatar weyn.
Madaxweyne Farmaajo ayaa tan iyo markii muddo xileedkiiso uu dhamaaday waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay banaanbaxyo waa weyn iyo iska horimaadyo u dhaxeeyay Ciidanmo ka wada tirsan dowladda dhexe.

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya sidoo kalena soo noqday Madaxweynihiii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo…

Like it? Share it!

Leave A Response