Sagal Ashour: “Farmaajo waxa uu burburiyey wixii horumar ahaa ee Xasan iyo Shariif ay sameeyeen”

by admin | Sunday, Mar 24, 2019 | 934 views

Sagal Ashour, oo madax ka ah haya’adda la-dagaalanka xagjirnimada ee SAVE (Somalis Against Violent Extremism), ayaa sheegtay in madaxweyne Farmaajo uu burburiyey dhammaan wixii horumar siyaasadeed iyo amni ee ay sameeyeen Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif.

Waxaan si dhab ah u sheegi karnaa in dowladda hadda jirta ay Soomaaliya dib u celisay 10 sano” ayay tiri Sagal oo qoraal soo dhigtay barteeda twitter.

Sagal ayaa sheegtay inuu jiro dareeno guud oo la qabo oo ah in Al-Shabaab ay qabsan doono dhulal cusub, islamarkaana ay sababi doonto xasilooni-darro horleh.

“Dhammaam lacagtii ay usoo dhidideen canshuur bixiyayaasha ee Midowga Yurub ay siiyeen Soomaaliya, waxaa lagu khasaariyey musuq-maasuq iyo iimaan-darri, halka Soomaalidii saboolka ahayd ay macluulayaan islamarkaana argagaixsada ay haystaan maal-gelin wanaagsan” ayey tiri Sagal.

“Dhammaan intan oo sano, weli ma aynan helin wax horumar siyaasadeed iyo mid amni ah.”

Hadalka Sagal ayaa yimid saacado kadib markii Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen xarunta wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha Soomaaliya, halkaasi oo wasiirku xigeenka wasaaradda iyo shacab badan ay ku dhinteen.

Like it? Share it!

Leave A Response