Shabaab oo weeraray Baardheere ee gobolka gedo

by admin | Tuesday, Jun 5, 2018 | 935 views

Xoogag ka tirsan ururka Al-shabaab ayaa xalay waqtiga saxuurta waxa ay weerar ku qaadeen magaalada Baardheere ee gobolka Gedo, gaar ahaan dhanka Buundada, wuxuuna weerarka socday wax ka badan saacad.

Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Guutada 10-aad Cusmaan Sheekh Cabdi (Qorax) oo la hadlay VOA-da ayaa waxa uu sheegay raggii weerarka soo qaaday in ay iska difaaceen, oo halkaasi ay ku jabeen.

Wuxuu sheegay dagaalkaasi in uu kaga dhintay Hal askari, halka ay kaga dhaawacmeen ilaa Saddex askari oo kale, wuxuu tilmaamay Shabaab dagaalkaasi in ay kaga dileen in ka badan 10 dagaalame.

“Nimankii cadowga ahaa ayaa weerar nagu soo qaaday xilligiii saxuurta, waxayna weerar ku soo qaadeen aagga Buundada, nimanka halkaasi way ku jabeen, anaga khasaaraha na soo gaaray wuu kooban yahay Hal askari oo dhimasho ah iyo Saddex dhaawac ah, dhankooda Toban Argagixiso ka badan ayaan ka dilnay.” Ayuu yiri Abaanduulaha.

Sidoo kale Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Guutada 10-aad Cusmaan Sheekh Cabdi (Qorax) ayaa waxa uu sheegay in dagaalkan ay ku qabteen nin nool oo Shabaab ka tirsan iyo hub fara badan.

Shabaab oo weerarkan uga hadlay baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayaa waxa ay ku sheegteen weerar madaafiic iyo rasaas culus kuy bilowday in ay ku qaadeen fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland, waxayna Shabaabku sheegeen inta uu dagaalku socday in ay la wareegeen saldhig Millitari.

Like it? Share it!

Leave A Response