Scroll to Top

reegaay.com

Just another WordPress site

Shacabka Soomaalida Itoobiya oo cabasho muujiyay.

by admin | Wednesday, Aug 31, 2022 | 457 views

Dowladda Itoobiya, ayaa toddobaadkan la gudoonsiiyay shahaado muujinaysa in kayd shidaal oo dhan 7 trillion oo Cubic feet, uu ku jiro gudaha deegaanka Soomaalida oo ay maamusho Itoobiya.

Warkani ayaa waxaa si weyn ugu riyaaqday dowladda Itoobiya, haddana gaar ahaan ismaamulka gobolka Soomaalida, ee ay ku yaalliin ceelasha shidaalka.

Arrintani ayaa waxay dadka qaar soo xusuusineysaa dhibaato ay mashruucaasi kala kulmeen markii uu billowga ahaa, muddo haatan laga joogo 50 sano.

Qaar ka mid ah shacabka deegaannada ay ceelasha shidaalka ku yaaliin, ayaa rumeysan in cudurro iyo xaalado amni-darro ay ka dhaxleen helitaanka shidaalka laga helay deegaannadooda.

Waxaana in muddo ah ay ka dhur-sugayeen faa’iidada shidaalkaasi, sida magdhaw iyo mashaariicaha horumurinta bulsho, ee ay tahay in ay ka dhaxlaan shidaalka.

Dowladda Itoobiya sanadki hore, ayaa waxay deegaanka Soomaalida ay ku wareejisay 50 malyan oo birr, oo lacagta wadankaasi ah, oo ay ku sheegtay iney tahay faa’iidada saamiga, ee uu deegaanka ku lahaa shidaalka illaa iyo haatan lasoo saarey.

Like it? Share it!

Leave A Response