Shariif Sheekh Axmed oo ku dhawaaqay in uu yahay Musharax Madaxweyne

by admin | Thursday, Jan 24, 2019 | 1072 views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo la hadlay  wargeyska lagu Magacaabo The Standard ayaa ka hadlay waxyaabo badan oo ku saabsan Xaaladda Soomaaliya oo ay ka qeyb ka tahay dagaalka lagula jiro ururka Al-Shabaab.

Waxaa uu sheegay inuu markale u tartami doono xilka Madaxweynaha Soomaaliya si dalka looga badabaadiyo Al-Shabaab iyo Kooxaha kale, Madaama uu sheegay in Shacabka Soomaaliyeed ay yaqaan waxqabadkiisa Wanaagsan.

Waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ay ka codsadeen in uu isasoo sharaxo, maadaama dalka ay ka jirto dowlad aan awood badan laheyn.

“Awood la’aanta dowlada hadda ka jirta Soomaaliya awgeed ayaa igu dhalisay inaan markale siyaasadda ku soo laabto.” ayuu yiri Sheekh Shariif.

Waxaa uu hadalkiisa intaasi kusii daray Musharax Shariif in dowladda hada jirtaa aysan waxba u qaban dalka.

“Waxaan cadeynayaa inaan calanka u qaadi doono xisbiga Himilo Qaran doorashada 2020,Waxaan dareensanahay in dowlada hadda ka jirta dalka aysan waxba u qaban dadka waxaana doonayaa in aan mideeyo Soomaaliya oo aan ka dhigo mid awood leh.”ayuu yiri Sheekh Shariif.

Like it? Share it!

Leave A Response