Shir laga yeeshay dhibaatada Ciyaal weerada & Amniga Caasimadda

by admin | Thursday, Mar 9, 2023 | 209 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Xarunta Deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay kulan isugu jiray Wacyigelin Bulsho, soo bandhigista wax-qabadka Maamulka Garasbaaley iyo dardargalinta Barnaamijka Garanwaa oo uu horey u iclaamiyay Madaxweyne Xassan Sheikh Maxamuud.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudaha XFS, Wasiiru Dowlaha Amniga XFS, Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Wasiir Kuxigeeno, Xildhibaano, qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Degmooyinka Gobolka Banaadir, Odayaasha dhaqanka deegaanka iyo Bulshada qeybahooda kala gedisan.

Kulanka ayaa sidoo kale diirada lagu saaray ka hortaga weerarada Al-Shabaab, dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, Ciribtirka Muqaadaraadka, la dagaalanka Kooxaha burcadka ah ee dhaca u geesta hantida shacabka iyo dhallinyarada la baxday Ciyaal Weerada oo halis ku ah xasiloonida Caasimadda.

Like it? Share it!

Leave A Response