Shir laga yeeshay falalka Amni darro ee ka dhaca Baydhabo

by admin | Wednesday, May 26, 2021 | 334 views

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa Maanta lagu qabtay Shirka Golaha Amniga, kaas oo todobaadkii mar la qabto loogana hadlo Amniga Guud ee Magaalada Baydhabo iyo degaannada ku xeeran.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Isxaaq Cali Subug ayaa Shir Gudoomiyey Shirka Golaha Amniga Koonfur Galbeed, waxaana siweyn loogu faaqiday sidii wax looga qaban lahaa dhacdooyinkii maalmahaan ka dhacayay Magaalada Baydhabo.

Shirka waxaa warbixino la xiriira Amniga looga dhagaystay Saraakiisha Ciidamada Xoogga Dalka Qeybta 60aad , Booliska , Nabad Sugida, UK, AMISOM iyo Sarakiil Kale, kuwaas oo sheegay in guud ahaan Amniga degaannada Koonfur Galbeed uu yahay mid wanaagsan.

Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Isxaaq Cali Subug ayaa faray Saraakiisha laamaha Amniga in ay joogteeyan Howlgallada lagu Xaqiijinayo Amaanka Magaalada Baydhabo iyo degaannada hoostaga.

Sidoo kale Wasiirka yaa Bulshada ka Codsadey in ay la shaqeyaan Laamaha Amniga si looga hortago falalka Amni darrada keeni kara.

Shirka Amniga Koonfur Galbeed ee Maanta la qabtay ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli todobaadkii la soo dhaafay ay dhowr jeer falal amni darro ka dhaceen Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.

Like it? Share it!

Leave A Response