Soomaaliya ma u muuqataa mid ka faa’iideysatay mashaariicda Baanka Aduunku ka fuliyay tan iyo 2015-kii?

by admin | Thursday, May 25, 2023 | 140 views

Baanka Adduunka oo horraantii 2015-kii, Soomaaliya ka billaabay in uu ka fuliyo mashaariic, ayaa waxa uu wali Soomaaliya ka wadaa ku dhowaad 20 mashruuc, oo ku kacaya in ka badan $3.5 biliyan oo dollar.

Bangiga Adduunka ayaa ka taageera hay’adaha dowladda Soomaaliya si ay u horumariyaan dowlad wanaagga, dardargelinta soo kabashada dhaqaalaha iyo in ay shaqooyin u abuuraan bulshada Soomaaliyeed kuwaas oo dhallinyaro shaqo la’aan ah u badan.

Wasaaradaha Maaliyadda, Shaqada iyo Adeegga Bulshada, Howlaha guud iyo guriyeynta, Waxbarashada iyo Tacliinta sare iyo wasaaradda Tamarta iyo Biyaha ayaa ah hey’adaha dowladda ee ugu badan ee fuliya mashaariicda uu Baanka Aduunku maalgeliyo.

Mashaariicdan ayaa qaarkood waxa ay soo billowdeen 2015-kii, sidaa darteed qaarkood 2022-kii ayey dhamaadeen, sidoo kale kuwo kale ayaa dhamaanaya bartamaha iyo dhamaadka sanadkaan 2023-ka, halka qaar cusubna la daahfuray, isla markaana kuwo kale la cusbooneysiiyay. Mashaariicda ayaa isugu jira kuwa kor loogu qaadayo tayada kaabayaasha bulshada, kobcinta ilaha dakhliga dowladda, sare u qaadista tayada shaqaalaha, iyo kuwo lacago toos ah siiya dadka Soomaaliyeed ee waxyeelladu ka soo gaartay musiibooyinka dabiiciga ah sida abaaraha, daadadka, Ayaxa iyo isbedlka cimilada.

Mashruuca lacagta ugu badan lagu bixinayo ayaa waxaa fulineysa Wasaaradda Howlaha guud iyo Guriyeynta ee dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana lagu magacaabaa mashruuca Adkeysiga Magaalooyinka Soomaaliya (Somali Urban Resilience project) waana mashruuc ay ku baxeyso in ka badan 2 Biliyan oo dollar isaga oo socon doona muddo 7 sano ah isla markaana soo billowday horraantii sanadkii 2020ka.

Wasaaradda maaliyadda ayaa mashaariicda ay fulineyso ee uu Baanka Aduunku maalgeliyo waxaa ku baxeysa in ka badan nus Billion dollar, ayaga oo qaarkood sanadkaan dhamaanayaan, halka mashruuca ugu cimriga dheeri uu socon doono ilaa 2027-ka. Lacagta ugu badan waxa ay wasaaraddu ku fulineysaa Mashruuc lagu magacaabo ‘Soo Kabashada Dhibaatada Soomaaliya” {Somalia Crisis Recovery Project (SCRP)} waxa uuna mashruucani ku kacayaa in ka badan $130 milion oo dollar. Waxa uuna soo billowday June, 2020 isla markaana dhamaanayaa June, 2025-ka.

Wasaaradda shaqada iyio arrimaha bulshada ayaa ka mid ah wasaaradaha fulinaya mashaariicda Baanka Aduunka ee Soomaaliya, in ka badan 400 Milion dollar ayey ku fuliyaan labo mashruuc oo kala ah Baxnaano oo lacago kaash ah lagu siiyo dadka Soomaaliyeed ee dakhligoodu liito waxa uuna soo bilowday 2019-kii, isaga oo ku eg 2024. Iyo mashruuca la dagaalanka Ayaxa ee soo billowday 2020-kii kuna eg June 2023.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa fulineysa labo mashruuc oo ku kacaya ku dhowaad $200 oo million dollar, waxa ayna kala yihiin mashruuca Damalcaafimaad oo soconaya 2021 ilaa 2025. Sidoo kale wasaaraddu waxa ay fulisaa mashruuca Covid-19 oo soo billowday June 2022 kuna eg May 2023. Wasaaradda Tamarta iyo biyaha ayaa dhankeeda fulisa mashaariic kukaceysa ku dhowaad 300 oo million oo dollar. Waxaana ka mid ah mashruuca dibukabashada Tamarka Soomaaliya oo ku kacaya lacag dhan $150 milion oo dollar, mushruucan ayaa dhamaanaya 2026-ka. Iyo mashruuca tayeynta biyaha oo lacagta ku baxeysaahi dhantahay ilaa 30 milion oo dollar. Waxa uuna ku egyahay 2028-ka.

Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, bankiga dhexe iyo wasaaradda waxbarashada ayaa dhankooda fulinaya mashaariic yaryar oo iskudarka lacagtoodu gaarayso illaa $130 milion oo dollar. Wallow uu mashruuca xafiiska reysalwasaaruhu dhamaaday 2022-kii.

Kuwaan waa mashaariicda ilaa iyo hadda ugu waaweyn ee ay Dowaldda Soomaaliya fuliso.

Hadaba Soomaaliya ma u muuqataa mid ka faa’iideysata mashaariicda baaxaddaas leh ee uu Baanka Aduunku ka fulinayo. Mase muuqdaa waxtarka mashaariicdani ay bulshada ku celiyeen?

Like it? Share it!

Leave A Response