Soomaaliya oo ka qeyb gashay Shirka Caafimaadka Adduunka

by admin | Wednesday, May 24, 2023 | 180 views

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada -XFS H.E Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa ka qeybgalay Madasha 76-aad ee Golaha Caafimaadka Adduunka (76th World Health Assembly) oo ka dhacaya magaalada Geneva ee dalka Switzerland.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada- XFS, E Dr Ali Haji Aden iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Soomaaliya ku matalaya shirka looga arinsanayo arrimaha caafimaadka aduunka.

Halku dhigga Sanadka ayaa ah “Badbaadinta Nolosha” iyo sii wadida horumarinta Caafimaadka dadka oo dhan,” Madaxda iyo wufuuddii kasoo iyo qeybgashey kulanka ayaa lafaguray go’aanada siyaasadaha qaabayn doona mustaqbalka Daryeelka Caafimaadka Adduunka oo dhan.

Ajendaha kalfadhigu waxa uu ka kooban yahay mawduucyo aad u muhiim ah, oo ay kamidyihiin soo jeedinta Miisaaniyada Barnaamijka 2024-2025, Istaraatiijiyadda Caalamiga ah ee Caafimaadka Haweenka, Carruurta iyo Dhallinyarada ee (2016-2030), Qorshaha Yoolka Caafimaadka loo dhanyahay ee Caalamiga ah (UHC), Habraacyada jaangooynta magacyada aaladaha caafimaadka, iyo guud ahaan u diyaargarowga xaaladaha degdegga ah ee caafimaadka dadweynaha.

Golaha Caafimaadka Adduunka waa madasha go’aamisa hanaanka caafimaadka aduunka, waxaana isku duba rida Agaasnkeeda Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO).Madasha ayaana kulmisa sanad walba madaxda Caafimaadka Dowladaha Aduunka iyo Hay’adaha Arrimaha Caafimaadka si ay u go’aamiyaan ajendaha, siyaasadda, farsamooyinka iyo xeeladaha sida ugu wanaagsan si loo hubiyo nidaam caafimaad oo caalami ah oo mideysan kaasoo lagu wada gaadhi karo yoolalka Caafimaadka loo dhanyahay ( Universal Health Coverag (UHC) .

Like it? Share it!

Leave A Response