Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya oo ku baaqay in la kordhiyo dagaalka ka dhanka ah ‘AS’ & Walxaha maanka-dooriya.

by admin | Monday, Feb 5, 2024 | 51 views

Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliya Gen Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in howlgalka ka dhanka ah ‘AS’ loo baahan yahay in la xoojiyo isaga oo bogaadiyay doorka culimada Soomaaliyeed ay ka qaadanayaan dhiirragelinta Dadka.

Gen. Sulub Axmed Firin ayaa sheegay in ciidamada Dowladda ay diiradda saareen howlgallada ay wadaan isla markaana ay sii kordhinayaan si loo xoojiyo isbaddelka amniga ah ee jira oo ku yimid wadashaqayn Bulshada & Ciidanka.

Sulub ayaa carrabka ku dhuftay in la dagaalanka waxlaha maanka-dooriya Iyana loo baahan yahay in la kordhiyo maadaama falalka ka dhasha isticmaalka walxahaas ay qayb ka yihiin kuwa dhaawacaya amniga.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay kordhisay howlgallada ka socda Magaalooyin ay ugu horrayso Muqdisho si looga hortago falalka nabadgalyada liddiga ku ah waxaana la kordhiyay goobaha askartu ay ka howlgalayaan.

Waddooyinka Xaafadaha iyo laamiyada waa wayn ee Magaalada Muqdisho Caasimadda Dalka  waxaa ku sugan ciidamo katirsan Hay’adaha Ammaanka Dowladda Federaalka oo baaraya Gaadiidka & Dadka la socda.

Like it? Share it!

Leave A Response