Tirada Dadka ku dhintay Dhul-gariirka ku dhuftay Turkiga & Suuriya oo kor u dhaaftay 21,000 oo ruux.

by admin | Friday, Feb 10, 2023 | 273 views

Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in ay sii kordheen tirada Dadka  ku dhintay dhul-gariirka ku dhuftay Dalkaas iyo waddanka ka deriska la ah ee Suuriya, waxaa dhismaha burburay laga soo hoos bixiyay maydadka dad dhintay.

Madaxweyne ku xigeenka Turkiga Fuat Oktay ayaa sheegay in wadarta guud ee dalkiisa ku dhimatay in ay kor u dhaafeyso 17,674 (Toban & todobo kun, lex boqol, todobaatan & afar ruux) halka dhaawaca uu kumaan yahay.

Fuat Oktay, Madaxweyne ku xigeenka Turkiga ayaa sheegay in dhul-gariirka dalkiisa ku dhuftay uu saameyn taban ku reebay Bulshada, howlaha looga salgaarayo Dadka la waayay ayuu tilmaamay in ay socdaan.

Dhanka Suuriya, Sarkaal katirsan Dowladda ayaa sheegay in ugu yaraan Dadka ku dhintay Waqooyiga Dalkaas ay gaarayaan 3,377 (Saddex kun, saddex boqol, todobaatan & todobo ruux), khasaarahana uu intaas ka badan karo marka la eego gurmadka socda iyo dadka saacadaha maqan.

Geesta kale, Dowladda Turkiga ayaa dhaqaale loogu tabarucayo ka heleysa Waddamo, Bangiyo, ururro & Hay’ado kala duwan si loogu gacan qabto qoysaska ku guryo beelay dhul-gariirka ku dhuftay Koofur-bari Dalkaas.

Bangiga Adduunka ayaa ku dhawaaqay in uu Turkiga siiyay $1.78 Bilyan (Hal dhibic, todobaatan & siddeed Bilyan oo Doollar) si loogu adeegsado gurmadka iyo dib usoo kabashada Dadka dhibbanaha u noqday dhul-gariirka ku dhuftay 6dii Febaraayo 2023.

Like it? Share it!

Leave A Response