Tirinta codadka doorashada oo ka socota Sierra Leone

by admin | Sunday, Apr 1, 2018 | 1019 views

Dalka Sierra Leone waxaa ka  socota tirinta codadka wareegga labaad ee doorashada madaxtinimada dalkaasi sidda ay xaqiijiyeen Guddiga doorashadda dalkaasi.

Doorashadan ayaa la qabanqaabiyay kaddib markii wareegii koobaad ay musharaxiinta 16-ka ah ay ku guuldarreysteen in midkoodna uu aqlabiyad helo.

Goobaha codbixinta ayaa si nabad ah ku soo xirmay markii laga reebo dhacdooyin goonni goonni ah oo ka dhacay magaalada caasimadda ah ee Freetown.

Meel ka mid ah goobahaasi ayaa waxaa loo daadgureeyay ciidammo badan oo boolis ah si ay u kala kaxeeyaan taageerayaasha labada musharax, kuwaas oo isku haystay eedo ah saraakiil aanan ogolaansho haysan oo booqanayay goob dadka ay codkooda ka dhiibanayeen oo ku taal deegaanka Brookfields.

Degaanka Lumley ee dhinaca shishe ee galbeed ee magaalada, ayaa waxaa laga maqlayay rasaas culus oo ay boolisku ridayeen kaddib markii la sheegay in goobta ay marayeen laba baabuur oo hub sidday.

Baangado ayaa waxaa laga dhex helay mid ka mid ah gawaaridaasi.

Afar qof oo laga shakisan yahay – oo dhammaantood ah taageerayaasha mucaaradka  ayaa xabsiga loo taxaabay

Like it? Share it!

Leave A Response