Toban dhacdo oo aan la mahdin oo diiwaanka u galay dowladda Farmaajo{warbixin}

by admin | Tuesday, Jul 30, 2019 | 621 views

Waxaa halkaan idinkugu soo gudbinayaa 10 dhacdo oo aan lala wadaagin dowladda hadda jirta ee la magac baxday Nabad iyo Nolol. dhacdooyinkaan ayaa iskugu jira kuwo ku yimid gaabis dowladda dhankeeda ah, kuwo ay gacanteeda ku geesatay iyo marxalado ay ka qaadatay go’aan aa la jecleysan.

Inta badan dhacdooyinkaan ayaa ku yimid habacsanaan dhanka dowladda ah oo jaaniska ugu badan siiyay kooxada dagaalka kula jira oo ay ka midka yihiin Al Shabaab iyo Daacish.

Maku koobna 10-kaan oo kaliya dhacdooyinka aan hore loo arag ee dhacay inta uu talada waddanka hayay madaxweyne Farmaajo, balse intaan ayaa u arkay in ay yihiin kuwa ugu muhiimsan.

1- Madaxda ugu sarreysa Al Shabaab ayaa hal meel ku kulmay, waxeyna ka hadleen arrimo ay ka midyihiin amniga iyo is badal ku aaddan Wilaayadooda (Maamul goboleedyada), sida ay sheegeen, waana markii ugu horreysay ee sidaas dhacdo.

2- Qarax aan wali la xaqiijin qaabka uu u dhacay oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen masuuliyiin xilal muhiim ah ka hayo gobolka Banaadir oo uu ka mid yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa ka dhacay hool shir uga socday gudaha xarunta gobolka Banaadir.

3- Al Shabaab ayaa iskugu yeeray Ergada soo dooratay xildhibaanada dowladda Federaalka Soomaaliya, kuna soo bandhigay meel fagaaro ah, iyagoo dharka ka badalay, waxeyna sheegeen in ay towxiidka u qabteen.

4- Qaraxii ugu saameynta badnaa Soomaaliya isla markaana ugu qasaaraha badnaa ayaa ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, waxaana ku naf waayay in ka badan Kun qof.

5- Dowladda Soomaaliya ayaa ka taqalustay ciidamadii Hay’addii Sirdoonka Qaranka NISA, waxeyna ku dartey Booliska.

6- Dowladda Soomaaliya ayaa u gacan galisay muwaadin Soomaali ah dowladda Itoobiya oo cadaawad soo jireen ah kala dhaxeyso Soomaali, waxeyna sheegtay xukuumadda in uu Qalbi dhagax yahay Argagaxiso.

7- Ciidamada dowladda ayaa weerar qaawan ku qaaday habeen saq dhexe guriga siyaasi hogaamiye u ah xisbi ka mid ah axsaabta dalka oo ka fikir duwan dowladda, iyagoo ku dilay askar dowladda ka tirsan oo ilaalinayay guriga siyaasigaas, isagii oo dhaawac ahna xabsiga u taxaabay, illaa markii dambe Maxkamad uu kasoo muuqdo, wax dambi ahna lagu waayo.

8- Dowladda Soomaaliya ayaa u aqoonsatay Jabhadda ONLF in ay tahay Argagaxiso dhibaato ku heyso dowladda Itoobiya, Waloow ugu dambeyn ay heshiiyeen dowladda Itoobiya iyo Jabhadda ONLF una aqoonsadeen garab ka mid ah mucaaradka.

9- Waxaa markii ugu horreysay la arkay kooxo inta dila qof, ka duubayo muuqaal iyagoo dilaya, meeshana ka baxsado ayagoon la qaban, ka dibna muuqalka ku baahiya baraha bulshada, in kastoo laamaha ammaanka sheegeen in ay qabteen qaar ka mid ah raggaas.

10- Wasiirro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo shaqadooda ku jiro ayaa idaacadaha ka maqlay in xilkii laga qaaday, waxeyna ku dhacday wasiirro ay ka mid yihiin Juxa iyo Yuusuf Garaad.

Like it? Share it!

Leave A Response