Trump oo ka digay ‘fowdo’ haddii aan dib loo dooran

by admin | Friday, Apr 28, 2023 | 294 views

Donald Trump ayaa Khamiistii wacad ku maray inuu ka adkaan doono Joe Biden, doorashada madaxweyne ee 2024, isaga oo ka digay in Mareykanka uu geli doono “fowdo” haddii aanu isaga kusoo laaban xafiiska.

Khudbadda Trump uu ka jeediyey hotel ku yaalla magaalada Manchester ee gobolka New Hampshire, ayaa imaneysa ayada oo ay sii kordhayaan dacwadaha sharci ee uu wajahayo.

Shalay, gabar qoraa ah oo ku eedeysay inuu kufsaday ayaa maalinkii labaad ku hor marqaati furtay maxkamad maddani ah oo ku taalla gobolka New York.

“Ikhtiyaarka doorashada waxay hadda u dhaxeysaa awood iyo daciifnimo, guul iyo guuldarro, ammaan iyo fowdo, nabad iyo colaad, iyo barwaaqo iyo masiibo,” ayuu Trump u sheegay in ka badan 1,500 taageerayaashiisa ah oo isku soo baxay.

“Waxaan ku dhex nool nahay musiibo. Adinka oo codkiina na siinaya November 5, 2024, dhulka ayaan ku dhufan doonnaa Joe Biden, waxaana dhameystiri doonnaa howlihii qabyada noo ahaa.”

Waxay aheyd markii ugu horreysay ee Trump uu tan iyo bishii Janaayo kasoo muuqdogobolka New Hampshire oo guul u horseeday 2016-kii kadib markii looga adkaaday doorashadii gobolka Iowa.

Like it? Share it!

Leave A Response