Uhuru Kenyatta oo dalbaday in wada-hadallo la xiriira xayiraadka khaadka la furo Soomaaliya

by admin | Wednesday, Nov 4, 2020 | 402 views

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa faray Wasiirka Arrimaha dibadda dalkaas in uu hoggaamiyo  wada-hadallo xal looga gaarayo xayiraada Dowladda Federaalka Soomaaliya saartay khaadkii (jaadkii) Soomaaliya uga imaan jiray dalkaas.

Wada-hadallada ayaa waxaa sidoo kale qeyb ka noqon  doona Wasiirka Difaaca monica Juma, Wasiirka Arrimaha dibadda Raychelle Omamo, wasiirka Ganacsiga Peter Munya si Dowladda Soomaaliya ay xayirada uga qaado jaadka ay dowladda Kenya keeni jirtay Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya  Raychelle Omamo ayaa kaddib amarkii Madaxweynaha Kenya Uhuru kenyata  waxaa uu la kulmay Ganacsatada qaadka Kenya,waxaana uu u sheegay in wadatashi dowladda dhexdeeda ah,kaddib xal loo keeni doono arrinta xayiraadka jaadka.

Dowladda Soomaaliya ayaa xayiraada Khaadka Kenya ka imaan jiray waxaa ay saartay, kaddib markii Soomaaliya laga helay kiisas la xiriira Cudurka Coronavirus, waxaana intaasi, kaddib ay shuruudo adag ku xirtay si dib loo bilaabo khaadkii ka imaan jiray Kenya, kaddib markii khilaaf siyaasadeed uu soo kala dhex-galay labada dowladood.

Kulanka dhex-maray Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya & Ganacsatada Qaadka oo ay ka dhex-muuqdeen Xildhibaannada laga soo doorto degaannada uu sida aadka ah uga baxo Qaadka iyo guddoomiyaha Ururka Beeraleyda degaanka Nyambene Miraa Kamathi ayay Ganacsatadu dalbadeen in si deg deg ah Soomaaliya looogala hadlo qaadista xayiraada qaadka.

Ganacsatada qaadka Kenya ayaa waxaa ay sheegeen inay Maalin walba ka khasaarto lacag dhan Shan bilyan oo lacagta Kenyan ah, taasina ay keeni karto  inay gebi ahaan joojiyaan ka Ganacsiga Qaadka.

Kenya ayaa dhankeeda waxaa ay horay xayiraad u saartay in dalkeeda loo dhoofiyo  waxyaabo ay kamid yihiin, Kalluunka khalalan, Sonkorta, Bariiska, Hilibka, Malabka iyo Caanaha.

Like it? Share it!

Leave A Response