Ururka Taliban ee dalka Afghanistan oo qabsaday degmadii todobaad

by admin | Saturday, Jun 5, 2021 | 307 views

Taliban ayaa jimcihii qabsatay degmo ku taal koofurta waddanka Afghanistan, iyada oo aan wax iska caabin ah kala kulmin ciidanka ammaanka ee dowladda Afghanistan, waana degmadii todobaad ee ay si buuxda ula wareegaan tan iyo markii Mareykanka iyo xulufadiisa NATO ay billaabeen ka bixistan dalkan.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga ee koofurta gobolka Zabul oo codsaday in aan magaciisa la shaacin ayaa u sheegay Idaacadda VOA in dagaalyahannada Taliban ay soo galeen degmada Shinkay subixii hore ee Jimcaha, kaddib markii ciidmada dowladda ay dib uga gurteen.

Taliyaha booliska gobolkan Jeneraal Mohammad Wait Samemi ma xaqiijin dib u gurashada la sheegay, wuxuuna VOA u sheegay in ciidamada Afghanistan ay wali ku sugan yihiin gudaha degmada, isla markaana dagaalku socdo.

Afhayeenka Taliban Yousaf Ahmadi ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dagaalyahannadooda ay sidoo kale qabteen shaqaalihii ammaanka, laakiin ma sheegin tiradooda, hase yeeshee sheegashada Taliban ee qabsashada shaqaalaha ammanka ayaan weli la xaqiijin karin.

Kabixista ciidmada shisheeyee ee Afghanistan ayaa keentay hoos u dhac amni, iyadoo laga walwalsan yahay rabshado iyo qalelaase dheeri ah.

Dhinaca kale, qarax bam-gacmeed ah oo habeenimadii xalay lagu qaaday gaari marayay caasimadda Kabul ayaa waxaa ku geeriyooday gabar saxafiyad ah oo u shaqeyneysay TV maxalli ah iyo hooyadeed, waxaana ku dhaawacmay walaasheed.

Mina Khairi ayaa u shaqeyneysay Ariana News seddexdii sano ee la soo dhaafay, sida ay xaqiijiyeen masuuliyiinta TV-gaas.

Like it? Share it!

Leave A Response