Wafdi ka socday DFS oo ka qeyb galay Shir lagu ansixiyay laba Arrin Istiraatiiji

by admin | Thursday, Jun 22, 2023 | 182 views

Wafdi uu hogaaminayo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ayaa shir uga qeyb galay Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Shirkan oo heer Wasiir ahaa oo ay soo qaban qaabisay Urur Goboleedka IGAD ayaa ujeedkiisu ahaa in lagu ansaxiyo labada Istiraatiiji ee kala ah: Istiraatiijiyadda Badqabka Cuntada (Food Safety Strategy) iyo Istiraatiijiyada Maareynta khasaaraha goosashada kadib (Post Harvest Loss Management) ee IGAD.

Wasiiru-dawlaha oo hadal ka jeediyay xiritaanka shirka ayaa tibaaxay muhiimada ay labada Istiraatiiji u leeyihiin Soomaaliya iyo dawladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD.

“Istiraatiijiyadda Baqabka cuntada IGAD waxey muhiim u tahay isku gudubka badeecadaha/cuntooyinka dawladaha dhexdooda iyo weliba Africa iyo sidoo kale ilaalinta caafimaadka dadka iyo xoolaha.

Dhanka kale Istiraatiijiyadda Maareynta khasaaraha goosashada kadib waxey kor u qaadeysaa Wax-soo-saarka iyo Kobaca Dhaqaalaha, Istiraatiijiyaddan waxey inoo badbaadineysaa malaayiin tan oo lagu quudin karo dadkeena” ayuu sheegay Wasiir Dawlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka.

Ugu dambeyn Istiraatiijiyada Badqabka Cuntada IGAD ayaa la ansaxiyay.

Like it? Share it!

Leave A Response