war deg deg ah: Qaraxyo xooggan oo goor dhow gilgilay magaalada Baydhabo

by admin | Saturday, Oct 13, 2018 | 871 views

Wararka ka imaanaya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in labo qarax oo xooggan ay ka dhaceen abaarihii xilliga Maqribka.

Qaraxyada ayaa loo adeegsaday gaari waxaana u dhaxeeyay u dhaxeeyeen ayaa ka dhacay bartamaha magaalada Baydhabo, waxaa la sheegaya in Hotel caan ah iyo goob maqaaxi ah oo dadka isugu yimaadaan la qarxiyay

Waxaa la soo sheegayaa inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay qaraxyada.

Xaalada ammaan ee magaalada Baydhabo ayaa aheyd mid wanaagsan, iyadoo labo sano ka badan aanay qaraxyo ka dhicin

 

Masuuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegeen inay wadaan u gurmashada dadka ay waxyeelada ka soo gaartay qaraxyadan, dibna ay ka faah faahin doonaan khasaaraha weeraradan.

Qaraxyadan waxay ku soo aadeen xilli galabta magaalada Baydhabo kulan taageero uu ku qabsanayay musharax madaxweyne Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur.

 

Magaalada Baydhabo ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka bilowday olole doorasho oo ay wadaan Musharaxiin u taagan xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed oo bisha soo socota dhaceysa.

Like it? Share it!

Leave A Response