Wararkii ugu dambeeyay degaanka Wabxo oo ay isaga baxeen Ciidamada dowladda

by admin | Sunday, Nov 13, 2022 | 355 views

Muddo ka badan laba maalin ayay Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ku sugnaayeen egaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud, halkaas oo ay kala wareegeen ururka Al-Shabaab, hayeeshee la sheegay inay xalay isaga soo baxeen.

Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik oo kamid ah Saraakiisha Ciidamada dowladda ee howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay in sababta looga soo baxay edgaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ay tahay in dowladda soomaaliya Ciidamadii qabtay degaanka ay ku amartay inay isaga soo baxaan.

Gaashaanle Ismaaciil oo la hadlay Warbaahinta wuxuu sheegay in amarka Ciidamada looga saaray uu bixiyay taliyaha Ciidamada xoogga dalka Janeraal Odawaa Yuusuf Raage, balse aysan ogeyn sababta ka dambeeysa.

Wararka Risaala ay heleyso ayaa sheegaya in Ciidamada dowladda iyo dadka degaanka ee hubka qaatay oo uu hoggaaminayo Gaashaanle Ismaaciil Cabdi Maalik ay dib ugu soo laabteen degaanka Maxaas oo markii hore ka duulaan tageen.

Dowladda Somaaliya ayaan weli wax faah faahin ah ka bixin sababta keentay in Ciidamadeeda ay kasoo saarto degaanka Wabxo, waxaana xusid mudan in shalay diyaaro siday Ciidamo horleh ay gaareen degmada Maxaas si ay ula wareegaan degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud.

Like it? Share it!

Leave A Response