Wararkii ugu dambeeyay Safarka Ra’iisulwasaare Kheyre ee Dhuusamareeb{AKHRISO}

by admin | Tuesday, Jul 14, 2020 | 433 views

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa lagu waddaa in uu saacaddaha soo socda uu gaaro Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimada Galmudug.

Diyaargarowga soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka socota Magaalada Dhuusamareeb.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in Shirka maamul goboleedyadda uu kusoo dhammaaday si wanaagsan, islamarkaana maalmaha soo socda uu furmi doono Shir kale oo ay kasoo qeyb gali doonaan Madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya.

Madaxda Maamul Goboleedyada ayaa dhamaantood ku sugan Magaalada Dhuusamareeb,waxaana qodobada ku jiray Warmurtiyeedkii ay soo saareen kamid ahaa in Madaxda Dowladda iyo Dowlad Goboleedyada ka tashadaan Arrimaha doorashooyinka iyo Amniga.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu Maanta  ku wajahan yahay Dhuusamareeb halka Khamiista uu halkaasi tagayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa qorshuhu yahay in xal laga gaaro khilaafka la xiriira arrimaha doorashooyinka,isla markaana doorasho nooceey doonto ha ahaatee ay waqtigeeda ku dhacdo.

Like it? Share it!

Leave A Response