Wararkii ugu danbeeyay Xiisada Siyaasadeed Somalia,Kheyre & Jawaar oo hal Arrin looga digay

by admin | Sunday, Apr 1, 2018 | 1019 views

Ururrada bulshada rayidka gaar ahaan SOCENSA ayaa sheegtay in xaaladda ka taagan dalka  ay keeni karto dib u dhac ku yimaada horay u socodka horumarada dalka uu gaari lahaa, iyaga oo soo jeediyay in danta dalka laga shaqeeyo muhiimaddana ay tahay in wax walba lagu xaliyo is afgarad .
Diini Maxamed Diini, guddoomiyaha dalladda SOCENSA oo la hadlay Warbaahinta  ayaa yiri “ Is jiidjiidka siyaasadeed waxaa haboon in lagu xaliyo qaab dastuuri ah iyada oo la ilaalinayo xasiloonnida dalka “.

Ururka haweenka qaranka Soomaaliyeed ayaa iyagana dhankooda sheegay in dhibaato walba ay ku dhacdo haweenka sidaas darteedna aysan u dulqaadan Karin waxa xilligan soconaya.

Haweenkan qaarkood oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxaa ay sidoo kale tilmaameen in qof kasta uu ogyahay xalka meesha uu ku jiro waxa ayna yiraahdeen.
“Annaga hadaan nahnay ururka haweenka Soomaaliyeed waa ay na dhibeysaa dhibaatada dalka waxaan jecelnnahay in waddanka uu nabad ahaado, waxaan arkaynaa in waddooyinkii la xiray oo caruurtii ay Iskuullada ka joogeen taasina Soomaaliya oo dhan dan ugama jirto gaar ahaan haweenka Soomaaliyeed”.

Like it? Share it!

Leave A Response