Wariye Maanta lagu Xiray Magaalada Gaalkacyo{Akhriso}

by admin | Monday, Jun 25, 2018 | 1054 views

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug,ayaa sheegaya in Ciidamada Ammaanka ee Maamulka Galmudug,ay Xabsiga dhigeen mid ka mid ah Wariyeyaasha ka Howlgala Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Wariyaha la xiray ayaa waxa lagu Magacaaba Axmed Khaliif Geedi,islamarkaana ahaa Wakiil wareedka Magaalada Gaalkacyo ugu waramaya Taleefashinka RTN.

Ciidamada ayaa la sheegay in Sababta ay Wariyaha u xireen ay tahay in maalmo ka hor uu baahiyay,warar sheegayay in Isbaarooyin ay yaalaan inta u dhaxeysa Magaalada Gaalkacyo iyo Degmada Gelinsoor oo kawada tirsan Gobolka Mudug.

Like it? Share it!

Leave A Response