Wasiir Fiqi: “Haddii awal la isku dhex jiri jiray hadda waa lakala soocmay”.

by admin | Saturday, Oct 14, 2023 | 108 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta Xukuumadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo ka hadlay shaqsiyaad qaarkood katirsan Dowladda oo muddooyinkii dambe u goosanayay dhinaca ‘AS’.

Fiqi ayaa sheegay in arrintaas ay dhalisay kaddib markii Dowladda Federaalka ay diiradda saarto in la kala shaandheeyo Dadka xiriirka la leh ‘AS’ iyo kuwa aanay wax cilaaqaad ah la wadaagin, shaqsiaadkaas ku biirayna ay dareemeen in lagu raad-joogo.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa mar uu soo hadal qaaday arrinta aad loo hadal hayo ee ah Abwaan Nageeye Cali Khaliif uu u goostay ‘AS’ isaga oo ku sheegay in uu qayb ka yahay shaqsiyaad ka shaqeynayay dhibaatooyinka.

Axmed Macalin Fiqi ayaa tilmaamay in hadda la kala soocmay oo weli laguda jiro sidii loo kala saari lahaa Dadka la shaqeeya ama xiriirka la leh ‘AS’ ee Hay’adaha Dowladda la falgalay muddadii ay joogtay Dowladdii tan ka horreysay waa sida uu hadalka u dhigay.

“Waxa aan rabnaa in aan isku isbahaysano oo aan isku kaashano la dagaalanka Khawaariijta Argagaixisada ah, Ciidanka Nabadsugidda kuwa jiray, Booliiska kuwo kamid ah ayaa fakaday, Militariga kuwo saraakiil ah ayaa lasoo qabtay oo la toogtay qaarna ay galeen, Guddoomiyihii Baarlamaanka Darawilkiisa waad maqlayseen, Dal waxa aan ku dhex jirnay la is dhex galay, Eedda Dowladdaani ma lahan fursaddaas ee Dowladdii hore ayaa bixisay, Hadda waa la kala soocmay” Wasiir Axmed Macalin Fiqi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dib u heshiisiinta Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Dowladda oo kaashaneysa Dowlad-Goboleedyada hoostaga iyo Shacabka in xoogga la saaray dagaalka ka dhanka ah ‘AS’.

Like it? Share it!

Leave A Response