Wasiir Juxa: “Ku darsi ma jiro suuragalna ma ahan ee Doorasho ayaa jirta”.

by admin | Monday, Oct 24, 2022 | 279 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka & Dowladaha Hoose ee DG Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa beeniyay warar aad loo hadal hayo oo ah in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni oo damacsan yahay muddo kororsi.

Juxa waxa uu tilmaamay in aanay Puntland ka suuragelin in muddo dheereysi uu ka dhaco waxa keliya la dhowrayo ay tahay in la qabto Doorashada ku beegan marka uu dhammaado Muddo xileedka Dastuuriga ah ee Madaxweyne Deni.

Cabdi Faarax Siciid Juxa, Wasiirka Arrimaha Gudaha & Dowladaha Hoose ee DG Puntland ayaa carrabka ku dhuftay in Boqolaal Wiil ay ku dhinteen arrinta ku darsashada taasina ay ka barteen cashar qaraar oo aan habboon in dib loogu laabto.

Ka wasiir ahaan ayuu tilmaamay in uu xaqiijinayo in Wasaaraddiisa ay qaadaneyso mas’uuliyadda ah in Doorasho ay ka dhacdo Puntland si shacabka Dowlad-Goboleedkaas ay u doortaan Ururrada Siyaasadda si looga guuro xulashada muddada fog wax lagu dooranayo.

“Ku darsi miyaa jira, Eregayaas waa lasoo celceliyaa, Madaxweynaha wuu ka jawaabay oo waxa uu sheegay in uusan jirin, ku darsi ma jiro oo suuragal ma ahan, waxaa jirto Doorasho oo Dowladda ay raadineysaa” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Gudaha DG Puntland.

“Arrinta ku darsashada dibta Puntland mar ayaa lasoo maray, saddexdii sano ugu dambeysay markii maandheedka uu dhacay ee ahayd in laga gudbo ee laga gudbi waayay wixii ka dhacay waynu ogeyn, boqolaal wiil ayaa ku dhimatay, cashar qaraar oo lasoo maray weeye, Doorasho ayaa jirto, Dowladduna taas ayay qaadaneysaa” Cabdi Faarax Siciid Juxa.

Siciid Cabdullaahi Deni, waa Madaxweynihii 6aad ee soo maray DG Puntland, 8dii Janaayo 2019 ayuu ku guuleystay xilka, Urur Siyaasadeedka KAAH ayuu ku metalayaa Doorashada la filayo in ay noqoto mid Dadweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response