Weerar Ismiidaamin ah oo ka dhacay degmada Baardheere & Mas’uuliyiin ku dhaawacmay

by admin | Tuesday, Mar 14, 2023 | 239 views

Weerar Ismiidaan ah ayaa lagu qaaday Guriga Martida ee degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, halkaas oo ay degan yihiin mas’uuliyiin katirsan Maamulka Gobolka Gedo iyo Saraakiil katirsan Ciidamada xoogga dalka.

Wararka aan helnay ayaa sheegaya weerarka qaraxa ay ku dhaawacmeen Gudoomiyaha gobalka Gedo Axmed Buule Gareed & Abaandulaha qeybta 43aad Labaale.

Ciidam farabadan ayaa la geeyay Goobta uu weerarka ka dhacay, iyada oo la xiray dhammaan waddooyinka soo gala iyo kuwa ka baxa degmada Baardhere ee Gobolka Gedo.

Like it? Share it!

Leave A Response