Weerar ka dhacay Jowhar & Khasaaro ka dhashay

by admin | Tuesday, Apr 26, 2022 | 455 views

Xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ayaa xalay waxaa ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamo katirsan kuwa Millateriga Soomaaliya ku leeyihiin Xaafada Baddacas ee Galbeedka Magaalada jowhar.

Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada dowladda & Al-Shabaab ayaa ka dhacay Goobta uu weerarka ka dhacay ee   Magaalada Jowhar, kaas oo warar aan helnay ay sheegayaan in hal Askari uu ku dhintay laba qof oo Shacab ahna ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in dagaalka uu socday ku dhawaad saacad, isla markaana inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar siweyn looga maqlayay hubka noocyadiisa kala duwan oo ay is dhaafsanayeen labada dhinac.

Saraakiil katirsan Ciidamada dowladda ayaa dhankooda sheegay inay fashiliyeen weerarka Al-Shabaab, isla markaana ay khasaaro gaarsiiyeen in kastoo aan la helin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Warkaan ee Saraakiisha Ciidamada.

Weerarka ka dhacay Magaalada Jowhar ayaa kusoo beegmaya xilli Magaalada ay ka socdaan doorashooyinka Golaha Shacabka, isla markaana dhawaan lagu qabanayo doorashada Saddexda kursi ee ugu dambeeysa kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka 11aad.

Like it? Share it!

Leave A Response