Weerar ku billowday is-miidaamin oo lagu qaaday xerada Janaay Cabdalle

by admin | Tuesday, Mar 7, 2023 | 266 views

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ku bilowday qarax is-miidaamin ah oo ay saaka aroortii hore Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Janaay Cabdalle ee gobolka Jubbada Hoose.

Weerarka ayaa waxaa xogan dagaal toos ah oo u dhexeeyay raggii weerarka qaaday iyo ciidamada darawiishta Jubbaland ee ku sugnaa xerada la weeraray.

Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay ayaa innoo sheegay in Al-Shabaab ay cagta mariyeen saldhigga, kadib qaraxyo iyo dagaal culus oo ka dhacay halkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in uu jiro khasaare lixaadleh oo ka dhashay weerarkan, waxaana ku dhintay saraakiil iyo askar badan oo ku sugneyd saldhigga Janaay Cabdalle.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa innoo sheegay in weerarka oo gaadmaa ahaa uu dhacay xilli aroor ah, isla-markaana ay inta jiifeen ciidamada deggan saldhiggaasi, taas oo fursad badan siisay xoogaga Al-Shabaab weerarka la beegsaday xerada Janaay Cabdalle.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna shaaca ka qaaday in dishay saraakiil iyo askar ku jirtay xeradaas oo aysidoo kale sheegtay inay qabsatay.

Like it? Share it!

Leave A Response