Wiil Dhalinyaro ah oo lagu gowracay Magaalada Beledweyne

by admin | Monday, Aug 3, 2020 | 408 views

Wararka laga helayo Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayana in Wiil Dhalinyaro ahaa kana mid ahaa dadka ku nool Magaladaasi rag aan la garaneyn ay gowraceen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in falkaais uu ka dhacay Xaafada buundoweyn ee Magaalada Beledweyne,isla markaana Wiilka Dhalinyarada ah oo ku Shaqeysan jiray Mooto Bajaaj la gowrcay, kaas oo lagu Magacaabi jiray Caydaruus Calawe Siyaad.

“Waa dhacdo aan ka naxnay markii aan maqalnay,wiilka rag ayaa gowracay, kadib medykiisa ayay dab qabadiisyeen waana carareen anaga ma naqaano dadkaasi wax dilay iyo sababat ay u dileen ayuu yiri” Qof kamid ah dadka ku nool Magaalada Beledweyne.

Qaar kamid ah Ehellada Wiilka la dilay ayaa dhankooda waxaa ay sheegeen inay aad uga naxeen dilka loo geystay wiilkooda,isla markaana aysan garaneyn cida dishay iyo sababta loo dilay, iyaga oo dalbaday in Cadaaladda la horkeeno dadkii ka dambeeyay falkaasi.

Ma jirto wax war ah oo wali ka soo baxay laamaha Ammaanka magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan,waxaana dhacdadaan ay kusoo aadeysaa xilli dhawaan Xaafada Buundaweyn lagu kufsaday laguna dilay Haweeney kamid aheyd dadka ku nool Xaafadaas.

Facebook
Like it? Share it!

Leave A Response