Wiil Soomaali ah oo wiil kale oo Soomaali ah ku dilay Mareykanka

by admin | Tuesday, Dec 21, 2021 | 400 views

Falkaan dilka ah ayaa waxaa uu ka dhacay magaaladda Eagan ee gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, waxaana Wiilka la dilay lagu Magacaabi jiray Feysal Axmed Abuukar oo 33 Sano jir ah, isla markaana dilkiisa uu ka dambeeyay Nin kale oo Soomaali ah.

Ciidamada Booliska degaanka Eagan ayaa sheegay inay  qabteen oo ay gacanta ku hayaan qofkii dilka geystay, kaas oo Magaciisa ay ku sheegeen Sakariya Cusmaan Axmed oo jira 31 sanno, wuxuuna dilka ka dhacay Gudaha Goob Ganacsi oo uu feysal ku sugnaa.

Sakariya Cusmaan Axmed oo ah Muwaadinka Soomaaliyeed ee dilka geystay ayaa ku xiran xabsi ku yaala Degmadda Hennepin ee gobolka Minnesota, waxaana maxkamadii ugu horeysay uu ka hor muuqan doonaa maanta oo Talaado ah oo ay bisha December tahay 21/12/21.

Gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa waxaa ku nool Soomaali farabadan, waxaana mararka qaar loo geystaa dilal lagu eedeeyay badanaa in Soomaalida dhexdeeda isku geystaan.

Like it? Share it!

Leave A Response