Wufuud Caalami ah & Madaxda Dowlad Goboleedyada oo kusoo wajahan Muqdisho

by admin | Wednesday, Jun 8, 2022 | 279 views

Waxaa Maanta lagu wadaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan wufuud Heer Caalami ah iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada kajira dalka si ay uga qeyb galaan Xafladda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ee Maalinta Berito ah ka dhaceysa Magaalada Muqdisho.

Shalay waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray wafdi ka socda qaar kamid ah wadamada Caalamka, waxaana Maanta la filayaa inay Muqdisho yimaadaan Madaxweynaha Jabuuti, Madaxweynaha Kenya, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo qaar kamid ah madaxda dowladaha Saaxiibada la ah Soomaaliya.

Sidoo kale waxaa la filayaa inay Magaalada Muqdisho soo gaaraan Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada, Hir-Shabeelle, Galmudug, Koonfur Galbeed & Puntland xilli uu shalay Muqdisho yimid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe).

Magaalada Muqdisho waxaa laga dareemayaa qaban qaabadii ugu dambeeysay ee Munaasabadda Caleema-saarka Madaxweynaha Soomaaliya oo ka dhaceysa Teendhada Afisiyooni, waxaana siweyn loo adkeeyay Amniga Guud ee Magaalada Muqdisho.

Like it? Share it!

Leave A Response