Xabad xoojin looga dhawaaqay Marinka Qaza

by admin | Wednesday, Nov 14, 2018 | 784 views

Dawladda  Yuhuudda iyo Kooxda iska caabinta Reer Falastiin ee Xamaas ayaa si wada jir ah u ogolaaday Codsi la xiriir Xabad-joojin oo ay soo jeedisay dowladda Masar.

Labada dhinac ayaa ku dhawaaqay inay u hoggaansameen Xabad-joojin ay  Codsatay, dowladda Masar taas oo ku meel-gaar noqon doonta oo aan rasmi ahayn.

Israil ayaa markii hore sheegtay in ay joojineyso duqeynteeda cirka iyo badda ay kaga waddey Qasa muddo 24 saacadood ah, codsiga Masar dartiis, muddo yar kadib ayaa ururka Xamaas ku dhawaaqey in ay dhankooda hakinayaan Gantaalada aan waxyeelada badan geysan ee ay isku difaacayaan.

Dagaal u dhexeeyay Israa’iil iyo ururka Xamaas ayaa ka dhacay marinka Qaza, waxaana ku dhintay toddobo qof.

In ka badan 400 gantaal ayay Xamaas ku rideen Israa’iil tan iyo xalay halka ciidammada Israa’iil ay diyaaradaha dagaalka ku duqeynayaan goobaha Xamaas ay weerarka kasoo qaadayaan.

Lix kamid ah shacabka reer Falastiin ayaa ku dhintay dagaalka halka 4 qof oo ka tirsan ururka Xamaas la dilay.

Qaramada Midoobey waxay ugu baaqday dhinacayada ku dagaallamaya Qaza inay joojiyaan dagaalka.

Kumaankun Falastiiniyiin ah ayaa maalmihii u danbeeyey isaga qaxay guryahoodi kuwaas oo u baxsadey badhtamaha iyo koonfurta Qasa xerooyin qaxooti oo UN ku ka hirgeliyey halkaas.

Like it? Share it!

Leave A Response