Xasan Sheekh oo Madaxda Dalalka Bulshada Bariga Afrika u gudbiyay codsiga kamid noqoshada dalladda

by admin | Friday, Jul 22, 2022 | 395 views

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-gelay Shir Hordhac u ah Shir-Madaxeedka dalalka ku mideysan dalladda Bulshada Bariga Afrika (EAC) oo ay martigelisay magaalada Arusha ee dalka Tansaaniya ayaa u gudbiyey codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshada Soomaaliya ee dalladan, isagoo tilmaamay dadaalka uu muddada badan ku bixinayey sidii dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay uga mid noqon lahaayeen (EAC).

Madaxweynaha ayaa ka warbixiyey hawlkarnimada iyo firfircoonida ay ku tilmaaman yihiin shacabka Soomaaliyeed iyo fursadaha dhaqaale ee dalkeenna, gaar ahaan khayraadka ceegaaga sida macdanta, xoolaha iyo beeraha, kuwaasi oo Soomaaliya ka dhigaya mid ka mid ah dalalka ugu mustaqbalka fiican Gobolka iyo guud ahaan Qaaradda Afrika.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay in aan maanta arko calankii Soomaaliyeed oo ka dhinac babbanaya calamada dalalkiinna, waxaanna rajaynayaa in uu sidaas ahaado sanaddada soo socda. Soomaaliya waa dal aad hodan u ah. Waxa aannu leennahay khayraad macdan, xoolo iyo kuwo beero. Intaas waxa ka muhiimsan in aannu leennahay bulsho firfircoon oo ganacsiga ku fiican.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahiyey muhiimadda dalkeenna iyo gobolkaba ugu jirta in Soomaaliya ay xubin buuxda ka noqoto dalladdan, isaga oo xusay in mustaqbalka dhaqaale iyo bulsho ee dalalka Geeska Afrika uu yahay mid isku-lammaan.

“Mustaqbalka waddamadani waa uu isku xiran yahay, Soomaaliyana ma doonayso in ay culays idinku ahaato. Taas beddelkeeda, waxa aannu rabnaa in aan noqonno dal waxtar leh oo wax ku soo kordhiya dalalkan muhiimka ah. Sidaasi awgeed, aniga oo ku hadlaya magaca shacabka Soomaaliyeed, waxa aan hortiinna ku soo gudbinayaa codsi rasmi ah oo ku aaddan kamid-noqoshadeenna dalladdan.”

Madaxweynaha ayaa sidoo kale dalalka Geeska Afrika uga mahadceliyay taageerada joogtada ah ee ay la garab taagnaayeen Soomaaliya soddonkii sanno ee la soo dhaafay ee uu dalkeennu la tacaalayay duruufaha kala duwan iyo martigelinta ay waddamadaasi u sameeyeen dadka Soomaaliyeed ee u soo qaxay, iyo guud ahaan doorka ay ka qaateen nabadaynta iyo dib u soo kabashada Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dadaal ku bixinaya in dalkeennu uu ka qayb-qaato iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga dalalka Gobolka oo saldhig u ah qorshayaasha heer gobol iyo heer qaaradeed ee kobcinta nolasha dadkeenna danyarta ah, cirib-tirka saboolnimada iyo xaqiijinta hiigsiga horumarka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobey.

Like it? Share it!

Leave A Response