Xildhibaan sheegay in Madaxweyne Farmaajo uu ku eedeysan yahay Dambiyo dagaal

by admin | Tuesday, Mar 9, 2021 | 421 views

Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad  ka mid ah xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday in looga yeeri doono teendhadii lagu doortay Afar sano ka hor ka dib markii ku fashilmay qabashda doorasho lagu wada qanacsan yahay.

Waxaa uu sheegay xildhi baanka iyadoo dalka uu marayo meeshii ugu xumeyd ayaa tagi doona Farmaajo kulan uusan la hayen taladiisa oo beesha Caalamka ay soo diyaarisay.

Xildhibaanka ayaa tilmaamay sidoo kale in maanta Farmaajo uu ku eedeysan yahay dambi dagaal .

“Farmaajo 4 sano kadib: Isagoo muddo xileedkiisii dhamaaday. Dalka aysan ka jirin doorasho heshiis lagu yahay. Kala irdheeyay dadkii Soomaaliyeed. Dambiyo dagaal ku eedaysan. Xiriirka ka dhaxeeya dowlada federaalka iyo dowlad goboleedyada uu gaaray meeshii ugu xumeyd abid, ayaa beri mar kale loogu yeeri doonaa teendhadii lagu doortay 4 sano kahor si uu uga qayb galo shir agaasinkiisa isagu uusan lahayn”ayuu yiri xildhibaan Mahad Salaad.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Amniga ay ilaalinayaan ciidamo AMISOM ah, Madaxweyneyaasha ka qayb gelaya shirka qaarkood aysan Madaxweyne u aqoonsanayn isaga, meelmarinta waxa lagu heshiiyana mas’uul ay ka yihiin dowlado shisheeye”

Like it? Share it!

Leave A Response