Xildhibaannada Golaha Shacabka BFS oo maanta ka dooday Xeer Hoosaadka Golaha

by admin | Monday, Dec 19, 2022 | 302 views

Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka BJFS Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo Guddoomiye ku xigeenka 2aad ee Golaha Shacabka BJFS Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomisay kalfadhiga 2aad kulankiisa 3aad ee Golaha Shacabka Baarlamanka jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya oo ay maanta goobjoog ahaayeen 141 Xildhibaan.

Kulanka ayaa waxaa hor yimid Guddiga Xeer Hoosaadka Golaha Shacabka BJFS waxa ayna horkeeneen Golaha Xeer hoosaadka lagu dhaqayo Golaha Shacabka.

Guddoomiyaha Guddiga Xeer Hoosaadka ayaa ka hor aqriyay xildhibaanada xeerka ay soo diyaariyeen, Intaasi kadib Xildhibaanada ayaa dood ka yeeshay xeerka ay hor keeneen gudiga waxayna soo jeediyeen in Xildhibaanada fursad loosiiyo si ay usoo aqriyaan xeerka.

Ugu danbayntii Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shirka guddoominaysay ayaa soo jeedisay in kulan Kan xiga looga doodi doono qodobada waxkabalka u baahan.

Todobaadkii la soo dhaafay laba kulan oo ka mid kulamada Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya u baaqday kooram la’aan iyada oo loo sababeeyay in qaar ka mid ah Xildhibaannada ay raaceen Madaxweynaha, Guddoomiyaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo safarro shaqo dalka guduhiisa iyo dibaddiisa u kala baxay.

Like it? Share it!

Leave A Response