Yuusuf Dabageed & Guddoonka Baarlamaanka oo ka wada hadlay Arrinta xiisada Hiiraan

by admin | Wednesday, Dec 2, 2020 | 346 views

Madaxweyne Kuxigeenka Dowlad Gobaleedka Hirshabelle Yusuf Axmed Hagar dabageed ayaa kulan kula qaatay Magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle & kuxigeenkiisa 1aad.

Mas’uuliyiintaan ayaa ka wada hadlay dardargalinta Horumarinta Dowlad Gobaleedka Hirshabelle iyo in si huufan loogu Shaqeeyo Shacabka ku nool degaannada  Dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle.

Sidoo kale waxaa ay  wada hadleen sidii loo xalin lahaa xiisada ka taagan gobolka Hiiraan & sidii loo xalin lahaa in cid walba oo cabasho qabto.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa ka dhacayay magaalada Beledweyne banaanbaxyo looga soo horjeedo Maamulka Hir-Shabeelle, waxaana duleedka Beledweyne ku xugan Janeraal Xuud & maleeshiyaad uu wato, kuwaas oo didiay in uu Beledweyne tago Madaxweynaha Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hir-Shabeelle Dr Cabdixakiim Luqmaan Xaaji oo shalay Beledweyne gaaray ayaa sheegay inay horudhac u yihiin wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo halkaasi tegaya, hayeeshee aan la ogeyn sida ay suurtagal ku noqon karto, iyada oo weli aan xal laga gaarin xiisada taagan & diidamada Bulshada Reer Beledweyne.

Like it? Share it!

Leave A Response