Maxay kawada hadleen Guddoomiyaha Aqalka & Safiirka cusub ee Jabuuti?

by admin | Wednesday, Apr 12, 2023 | 199 views

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Guddoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay xaaladaha guud ee labada dal, sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ah, ee ka dhexeeya labada Dal. Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Aqalka Sare.

Safiirka cusub ee Jabuuti ayaa 9-kii April 2023-ka kulan la yeeshay Guddoomiyaha Golaha Shacabka BFS Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ka dhaxeeya shacabka iyo dowladda Jabuuti.

Sidoo kale Danjire Maxamed Ibraahim Yuusuf ayaa 5 April, 2023-ka la kulmay Wasiirka koowaad ee Xukuumadda Xamse Cabdi Barre oo Danjiraha cusub ugu hambalyeeyey masuuliyadda loo igmaday, ayaa sheegay in Jabuuti ay tahay dal walaal ah oo xilliyo adag soo garab taagnaa Soomaaliya.

Abriil 4, 2023-ka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo ka guddoomay safiirka cusub ee dalalka, Jabuuti Maxamed Ibraahim Yuusuf.

Like it? Share it!

Leave A Response