Guddi baariseed oo loo saaray waxa ka jira in la iibsado raashinka maxaabiista xabsiga dhexe ee Xamar

by admin | Wednesday, Apr 12, 2023 | 250 views

Taliyaha ciidanka asluubta Soomaaliya, Gen, Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa guddi baariseed ah u saaray eedeymo loosoo jeediyay ciidamada xabsiga dhexe ee Xamar.

Taliyaha ayaa sheegay in guddigan uu baarayo waxa ka jira eedeymaha ku saabsan in la iibsado raashinka loogu talo galay maxaabiista xabsiga dhexe iyo in laga iibiyo waqtiga ay xaqa u leeyihiin inay qorraxda usoo baxaan.

“Waxyaabo badan oo dhib ah in lagu samaynaayo maxaabiista ayaa taala, taasoo oo sheegaysa in raashinkooda la cuno. Biririfta Qoraxxda ay leeyihiin laga gado oo lacag looga iibiyo. wax alaale wixii ay xaq u lahaayeen in lagu tagri falo. Arrin nuucaas ah ayaa wareegaysa baraha bulshada,” ayuu yiri taliyaha ciidanka asluubta.

Taliyaha asluubta Soomaaliya ayaa sheegay in aysan oggolaanayn in lagu tagri falo xuquuqda maxaabiista, wuxuuna sheegay inuu guddigaan u saaray sidii ay uga sal gaari lahaayeen waxa ka jira eedeymaha loo jeediyay ciidanka xabsiga.

Guddigan la magacaabay oo ka kooban 7 xubnood ayaa waxay ka kala socdaan guddiga caddaaladda ee barlamaanka, wasaaradda caddaaladda, maxkamadda ciidamada iyo xubno ka socda ciidanka asluubta Soomaaliya.

Taliyaha ayaa faray guddigaan inay soo hubiyaan nolasha maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Xamar, isagoo sheegay in looga baahan yahay in si dhaqso ah warbixin loogu celiyo xafiiskiisa.

Like it? Share it!

Leave A Response