by admin | Friday, Aug 11, 2023 | 135 views

Waxaa sii kordhay khasaaraha ka dhashay qarax Ismiidaamin oo Shalay ka dhacay degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan, kaasoo geystay khasaare isugu jira dhimasho,  dhaawac iyo burbur hantiyadeed.

Guddoomiyaha maamulka degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Nuur Maxamed Absuge oo loo yaqaano Nuur Dheere ayaa xaqiijiyay in tirada dhinashada ay haatan mareyso 8 ruux oo isugu jira ilaaladiisa iyo dad shacab ah, islamarkaana dhaawaca uu ka badan 10 ruux oo kale.

Guddoomiye Nuur Dheere oo sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay sida uu kaga badbaaday qaraxii Ismiidaaminta ahaa ee Shalay ka dhacay maqaaxida uu fadhiyay ayaa sheegay in qaraxa uu Alle ka badbaadiyay taargedkana uu asiga ahaa.

“Alle ayaa iga badbaadi qaraxa kursiga ka istaagay ninkii ku faristay wuu dhintay, hadana waxan gacanta ku hayna ninkii hagaayay ninka isku keen qarxiyay, kaasoo 10 jeer ka badan kuso laablaabtay halkan fadhiyay, hadana la arkay isago dhaawacyadii tirina, marka qof aanan la aqoon magaalada ma imaan akrin dadka degmada waa kuwa dhaman dagaal kala dhaxeyo Shabaab, mana sahlaneyn inay imadan halkan ee ninba baabur ku keenay ninka isqarxi” ayuu yiri guddoomiye Nuur Dheere.

Wuxuu sidoo kale xusay guddoomiyaha degmada Jalalaqsi in haatan uu bilaawday wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah Shabaab, islamarkaana deegaanada ay kaga sugan yihiin nawaaxiga degmada ay si deg deg ah uga sifeyn doonaan kooxda Al-shabaab.

Like it? Share it!

Leave A Response