Muxuu sababsaday Afhayeenkii Aqalka Wakiillada Mareykanka ee Xilka laga xayuubiyay?

by admin | Wednesday, Oct 4, 2023 | 155 views

Aqalka Wakiillada Baarlamaanka Dalka Mareykanka ayaa jagadii Guddoomiyenimo ka qaaday Kevin McCarthy oo katirsan Xisbiga Jamhuuriga kaddib markii ay ka hor yimaadeen xubnaha Mayalka adag ee Midigta fog ee Xisbigaas oo uu hormuud u ahaa Matt Gaetz.

Waa markii ugu horreysay taariikhda Mareykanka in xilka laga xayuubiyo Guddoomiye Aqalka Wakiillada, taariikhdaan xun ayuu geliyay sooyaalkiisa sida ay daabacay bogagga hore ee Warbaahinta ugu afka dheer Dalkaas.

234-sano uu xafiiskaas jiray waxaa soo maray 55 Guddoomiye oo uu ug dambeeyay Guddoomiyihii xalay bannaanka la dhigay, qaar kamid ah dhowrkii Guddoon ee xilkaan qabtay ayaa marar kala duwan dib u qabtay.

Ninkaan ayaa si dirqi ah xilkaan u qabtay markii uu ku guuleysanayay Jagada saddexaad ee Mareykanka oo keliya waxaa ka horreeya Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa sida ku xusan dastuurka dalkaas uu ku dhaqmo.

Xisbiga Talada Mareykanka haya ee Jamhuuriga ayaa ka kooban 435 xubnood, McCarthy waxa uu culeys kala kulmay Xisbigiisa oo kuraasta uu gacanta ku hayo dhan 221 xubnood halka kan Dimuqraadiga uu heysto 212 mudane halka ay bannaanyihiin 2 xubin.

McCarthy waxaa codka xilka ka riday 216 cod oo diidanayaa halka 210 ay garab siiyeen, 216ka kasoo horjeeda 208 kamid ah ay yihiin Xisbigiisa Jamhuuriga waxaana ay ka dhigan tahay in Xisbigiisa ay diideen in uu sii hoggaamiyo.

Mooshinka waxaa markii hore keenay 8 xubnood oo ah kuwa Jamhuuriga ah oo aad u taageera waxyaabaha uu aaminsan yahay Madaxweynihii 45aad ee Mareykanka Donald Trump oo ka xanaaqay in aanay loo codeyn mushaaraadka askarta & shaqaalaha.

Like it? Share it!

Leave A Response