Isimada Puntland oo shir Garowe uga furmay Garowe si ay xal uga gaaraan khilaafka doorashada

by admin | Monday, Oct 23, 2023 | 142 views

Isimada Puntland oo uu hoggaaminayo Boqor Burhaan Boqor Muuse, ayaa xalay shir wadatashi ah uga furmay magaalada Garowe, iyagoo doonaya inay xal u raadiyaan khilaafka cakiran ee arrimaha doorashooyinka Puntland.

Kooxaha mucaaradka ayaa horey ugu baaqay inay isimadu soo fara galiyaan xaaladda siyaasadeed ee Puntland, iyagoo ka walaacsan damaca siyaasadeed ee madaxweyne Deni.

Suldaan Siciid Maxamed Garaase ayaa warbaahinta u sheegay in ay isugu yimaadeen sidii ay jid ugu bixin lahaayeen Puntland. Wuxuu sheegay inay wax iska weydiin doonaan khilaafka ka taagan doorashada.

Suldaan Garaase wuxuu sheegay inay xal kasoon saaridoonaan muranka ka taagan doorashada Puntland. wuxuu tilmaamay inay si daacadnimo oo dhexdhexaad ah u falaqayn doonaan arrimaha la isku hayo.

Shirka Garowe uga furmay isimada Puntland, ayaa kusoo aaday iyadoo magaalada Garowe laga dareemayo dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ay kala sameynayaan kooxaha mucaaradka iyo madaxweyne Deni.

Labada dhinac ayaa mid walba dhankiisa ciidamo soo galiyay magaalada Garowe, waxayna u muuqataa haddii aanu xal imaanin in khilaafka haatan jira uu isku beddeli karo gacan ka hadal.

Mucaaradka ayaa ku goodiyay inay ka hor imaan doonin isku day kaste oo madaxweyne Deni uu ku doonayo inuu wiiqo doorashada 8da bisha January 2024.

Like it? Share it!

Leave A Response