Duqa Muqdisho: “Ugu hiili Dalkaaga hal doollar waa barnaamij lagu Taakuleynayo Ciidanka ku jira Furimaha Dagaalka”

by admin | Monday, Oct 23, 2023 | 103 views

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaaada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa sheegay mashruuca halka doollar ee dalkaaga ku dhiso uu yahay barnaamij lagu taakulaynayo Ciidamada Qalabka sida ee Furimaha Dagaalka ku sugan.

Yuusuf Madaale ayaa sheegay in ka Maamul Gobol ahaan uu u taagan yahay sidii loo dhaqaan lahaa barnaamijkaan dhaqaalah loogu uruurinayo Ciidamada si niyaddooda loo xoojiyo una sii dardargeliyaan howlgallada ka dhanka ah ‘AS’.

Duqa Muqdisho ayaa ku baaqay guud ahaan Dal iyo Dibad in lacagaha taakulada ah lagu soo shubo koontooyinka loo furay in ay kusoo dhacaan lacagahaas, arrintaan ayuu ku sifeeyay is xilqaan dan guud ah.

“Ugu hiili Dalkaaga hal doollar waa barnaamij lagu Taakuleynayo Ciidanka ku jira Furimaha Dagaalka, Dadweynaha Soomaaliyeed dibadda iyo kuwa gudaha gudaha jooga waa ay ka qayb qaadan karaan, Taliska Ciidanka Xoogga Dalka waxa aan ku wareejinay akoonnada oo nala wadaagi doonno wixii kusoo dhaca isla markaanna meesha loogu talagalay ay aadi doonto”. Ayuu yiri Duqa Muqdisho.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka Soomaaliyeed aanay qof ama qolo gaar ah ahayn balse ay yihiin ciidamadii Dalka usoo dhintay una soo dhaawacmay si loo gaafo hadalka Bulshadu leedahay.

Like it? Share it!

Leave A Response