51-sano oo maanta laga joogo Afgambigii Militari ee ka dhacay Soomaaliya!{sawiro}

by admin | Wednesday, Oct 21, 2020 | 412 views

21-kii Oktoobar 1969-dii maanta oo kale dalka waxa uu galay afgambi militari, xili dalka ay taallay tacsi, maadaama la toogtay Madaxweynihii labaad ee Soomaaliya Cabdirashiid Cali Sharma’arke oo ku sugnaa Magaalada Laascaanood, balse dadka qaar ayaa aaminsan in falkaas toogashada ay qayb ka ahayd Xukun Marooqsiga.

Cabdirashiid Cali Sharma’arke kahor inta aan la toogan!

Maanka dadku kuma jirin welwel la xiriira in afgambi uu dalka ka dhacayo, waxaana Magaalooyinka socday Ciidamo Militari ah oo ay shaqsiyaadka qaarba u heysteen in ay wadaan dabagal ka dhan ah toogashada Madaxweynaha.

Xaalkuse waxa uu isbadalay, 23-kii Oktoobar kadib markii Saraakiisha hoggaamineysay Afgambiga ay Warbaahinta Dowladda kala hadleen dadka, una sheegeen in ay gacanta ku dhigeen maamulka dalka.

Kacaankii Talada la wareegay

Gen. Maxamed Nuur Galaal oo kamid ahaa Saraakiishii hore ee Soomaaliya kana mid ah waaya-jooga fara-ku turiska ah ayaa ka sheekeeyay maalintaas, isaga oo sharaxay waxa ay sameeyeen askartii Militariga ee talada qabsatay & saraakiishii hoggaamineysay.

“Maxamed Siyaad Barre ayaa ka shaqeynayay in uu dalka ku qabsado Afgambi, ayaamahaan maalmo ka horeysa ayaan is qabanay oo waxa uu ii badalay magaalada Baydhabo, balse markii Xukunka lala wareegay Muqdisho ayaan joogay, waxa uu qabsaday Bangiga dhexe, Baarlamaanka, Xarumaha Dowladda iyo meel waliba oo muhiim ah, halka uu Afgooye ku xareeyay Odoyaashii dhan” Sidaasi waxaa yiri Gen Maxamed Nuur Galaal.

 

Like it? Share it!

Leave A Response