Dagaal ka dhacay G/Baay & Dowladda Soomaaliya oo guulo ka sheegatay

by admin | Wednesday, Oct 21, 2020 | 380 views

Dagaal ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa duleedka degmada diinsoor ee gobolka Baay uu ku dhex-maray Ciidamada dowladda, Ciidamada Koonfur Galbeed & kuwa AMISOM oo dhinac iyo Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid, kaddib markii Ciidamada isgarabsanaya ay weerar ku qaadeen Goob ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana saraakiil ka tirsan ciidamada Dowladda ay sheegeen inay ka warheleen dhibaato ay Al-Shaabab ku hayeen dadka Shacabka ah.

Taliyaha Ciidamada Dowladda ee degmada diinsoor Taliye Carab ayaa sheegay in dagaalkaas ay guul kasoo hooyeen, isla markaana degmada diinsoor ay kusoo bandhigeen meydadka  laba Xubnood oo uu sheegay inay kamid ahaayeen Xubno ay ka dileen Al-Shabaab.

Dhinaca kale Guddoomiyaha degmada Diinsoor ee gobolka Baay C/salaam Siidoow Maxamed ayaa sheegay in weerarka ay ciidamada qaadeen ay uga hortageen dhibaato ay Shacabka ku hayaan Al-Shabaab, sidoo kalena ay ka dileen 19 ruux waa sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu sheegay in Amniga degmada Diinsoor uu yahay mid wanaagsan, waxaana uu digniin u diray dad uu sheegay inay ku howlan yihiin khalqal gelnta Amniga iyo howlgallada socda.

Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay ayaa waxaa dhowr jeer weeraro kusoo qaaday Xubno ka tirsan Al-Shabaab, waxaana ka dhacay dagaalo dhex-maray Ciidamada Dowladda & Al-Shabaab, hayeeshee waxaa haatan ku sugan Ciidamada Dowladda, Ciidamada koonfur Galbeed & kuwa AMISOM.

Like it? Share it!

Leave A Response