Wasiirka Wasaaradda amniga Galmudug Axmed Macalin Fiqi oo jaraa’id ku qabtay magaalada Gaalkacyo ayaa ka warbixiyay halka ay marayaan howlgalada la dagaalanka Al-Shabaab ee ka socda degaannada Maamulkaas.
Wasiir fiqi ayaa sheegay ina ay weli howlgallada ka socda Magaalada Gaalkacyo, iyada oo ay baadi goobayaan dadkii soo abaabulay weerarkii ismiidaminta ahaa ee lagu dilay saraakiisha, kaas oo ka dhacay Magaalada Gaalkacyo.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada Galmudug & kuwa Federaalka ay diyaar u yihiin inay ka saaraan degaannada ay ka joogaan Galmudug Ururka Al-Shabaab.
Ciidamada Dowladda & kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo waxaa ay Magalada Gaalkacyo ka wadeen howlgallo kala duwan oo lagu qabtay dad u badan dhalinyaro, kuwaas oo la geeyay Saldhiga Booliska Koonfurta Magaalada Gaalkacyo.