Madaxweynaha Galmudug oo gaaray Magaalada Garoowe.

by admin | Sunday, Dec 27, 2020 | 333 views

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir Airport ee Garoowe kusoo dhoweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Madaxweyne qoor qoor oo ka tegay Magaalada gaalkacyo ayaa waxaa Magalada garoowe uu uga qeyb-geli doonaa Madasha Aragti Wadaagga Sanadlaha ee Machadka Hiratage, kaas oo ay ka qeyb-galayaan Madax ka tirsan dowladda, Dowlad goboleedyada iyo Midowga Musharixiinta.

Saacadaha soo soca ayaa waxaa la filayaa in Magalada garoowe ay gaaraan wufuud kala duwan oo ay kamid yihiin Madaxweynihii hore ee Soomaliya xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynihii hore ee koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa aad loo adkeeyay, waxana Maanta la arkayay Ciidamada Ammaanka Puntland oo howlgallo gaadiidka iyo dadka saran lagu baarayo, iyaga oo ka sameynaya magalada Garoowe.

Like it? Share it!

Leave A Response