Shabaab oo weeraray ciidan Mareykan ah ka dib markii.

by admin | Friday, Jun 8, 2018 | 1034 views

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya deegaanka Baar-sanguuni ee ku yaalla duleedka magaalada Kismaayo, Al-shabaab ayaa galabta waxa ay weerar ku qaadeen ciidan isugu jira kuwa Jubbaland iyo Mareykan oo fariisin ku leh deegaankaasi.

Wariyeyaal ku sugan gobolka Jubbada Hoose oo soo xiganaya ilo dhinaca Militariga ah ayaa waxa ay soo sheegayaan in dagaalka uu ahaa mid ka dhashay khasaare kala duwan, maadaama uu socday saacad wax ka badan.

Warar madax banaan ayaa sheegaya in dagaalkan khasaaraha hordhaca ah ee laga helayo ay sheegayaan in lagu dilay ilaa Afar askari oo ka tirsan ciidanka Jubbaland.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo lagu wargeliyay dagaalkan ayaa durba amray in gurmad loo diro deegaanka Baar-sanguuni, balse ciidankaasi ayaa weli aanan gaarin goobta dagaalka, maadaama Shabaab ay miinooyin badan ku aaseen wadada, si gurmad aanay u soo gudbin.

Ururka Al-Shabaab ayaa inta badan weerarada noocaan oo kale ah ku qaada ciidamada Mareykanka, xilliyada ay dhaq dhaqaaqyada Militari ka sameynayaan duleedyada Magaalada Kismaayo.

Like it? Share it!

Leave A Response