Booliska soomaaliya oo gacanta ku dhigay nin looga shakisan yahay inuu ka dambeeyay dil shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

by admin | Tuesday, Apr 30, 2024 | 18 views

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa fariisinka ku leh degmada Deyniile ee magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku dhigay nin lagu tuhmayo inuu ka dambeeyay dil shalay ka dhacay deegaanka Daarusalaam.

Booliska ayaa tilmaamay in Eedeysanaha muhiimka ah ee falka dilka ah geystay uu ka tirsanaa Ciidamada Ammaanka deegaanka, kaasi oo magaciisa lagu sheegay Mahad Cali Maxamuud oo 26 jir ah.

Marxuumka la dilay ayaa sidoo kale lagu magacaabi jiray Axmed Nuur Tooxow, waxaana da’diisa lagu sheegay 32-sano jir, waxaana la dilay saacado kadib markii uu ka soo laabtay aaska ehelada shaqaalaha shirkadda Hormoud oo ku dhintay qaraxii maalin ka hor ka dhacay.

Ilaa hadda lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka wiilka dhalinyarada ah iyo in uu jiro khilaaf soo kala dhexgalay ninka dilka geystay iyo marxuumka la dilay.

Afhayeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed C/fitaax Aadan Xasan oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Eedeysanaha ay ku socdaan baaritaano culus, isla markaana la horgeyn doono sharciga si loogu qaado falka uu geystay.

Dowladda Soomaaliya ayaa digniin u dirtay askarta geysta dilalka dadka rayidka ah, waxayna sheegtay in tallaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono ciddii lagu helo. Waxay tilmaamtay in ciidamada ay mas’uuliyad ka saaran tahay ilaalinta nafta iyo hantida shacabka, dowladda Soomaaliya iyo shacabkeedana looga fadhiyo inay la dagaalamaan cadowga guud ee Al-shabaab, isla markaana loo midoobo sidii dalka looga xoreyn lahaa kooxdaasi.

Like it? Share it!

Leave A Response