Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle oo la hadlay ayaa sheegay in shaqo joojin uu ku sameeyay Duqa Magaalada Baladweyne Cali Dhuux Cabdi (Mahad alla).
Warqadda Shaqo joojinta ah oo heshay shabakada Reegaay.com ayaa loo cuksaday in baahi loo qabo isbadalka xilkaan awgii shaqada looga joojiyay, waxaana si KMG ah loogu dhiibay Cabdi Xuseen Cismaan (Canjeex).
Sidoo kale waxa uu Wasiir Caadle sheegay Cabdi Canjeex oo xilkaan sii haye looga dhigay faray in qabto howlaha duqa Magaalada Baladweyne.
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa isbadal ku sameeyay Maamulka Gobolka iyo kan degmada, waxa ayna kusoo celiyeen mas’uuliyiin ay xilalka ay u dhiibeen horay ugu qaadeen.
xiriir oo an la sameysay Duqa Baladweyne ee Shaqo joojinta lagu sameeyay ayaanan u suurta gelin in ay hesho, si ay u weydiiso sida uu arko arrintaan.
Halkaan ka aqriso warqadda Shaqo Joojinta