Wasiirka Caadle oo Shaqada ka joojiyay Duqa Baladweyne.

by admin | Friday, Mar 23, 2018 | 1122 views

Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose ee Maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cali Caadle   oo la hadlay   ayaa sheegay in shaqo joojin uu ku sameeyay Duqa Magaalada Baladweyne Cali Dhuux Cabdi (Mahad alla).
Warqadda Shaqo joojinta ah oo  heshay  shabakada   Reegaay.com    ayaa loo cuksaday in baahi loo qabo isbadalka xilkaan awgii shaqada looga joojiyay, waxaana si KMG ah loogu dhiibay Cabdi Xuseen Cismaan (Canjeex).
Sidoo kale waxa uu Wasiir Caadle sheegay Cabdi Canjeex oo xilkaan sii haye looga dhigay faray in qabto howlaha duqa Magaalada Baladweyne.
Maamulka Hir-Shabeelle ayaa isbadal ku sameeyay Maamulka Gobolka iyo kan degmada, waxa ayna kusoo celiyeen mas’uuliyiin ay xilalka ay u dhiibeen horay ugu qaadeen.

xiriir  oo an  la sameysay Duqa Baladweyne ee Shaqo joojinta lagu sameeyay ayaanan u suurta gelin in ay hesho, si ay u weydiiso sida uu arko arrintaan.

Halkaan ka aqriso warqadda Shaqo Joojinta

http://www.mustaqbalradio.com/wp-content/uploads/2018/03/

Like it? Share it!

Leave A Response