Afgambiyada guuleystay Afrika & kuwii fashilmay 2017 ilaa 2023.

by admin | Wednesday, Aug 30, 2023 | 86 views

Qaaradda Afrika waxaa sanadihii u dambeeyay joogta ka noqday iskudayga Militari ee xukunka looga marooqsanayo Madaxweyneyaal qaarkood xilka xoog ku qabsaday markoodii horay iyo kuwo ku yimid doorasho ka dhacday dalkaas.

Qormadaan waxa aan ku eegeynaaa laga soo billaabo 2017 ilaa 2023 Afgambigii ka dhacay waddamo dhowr ah oo dhaca Qaaradda Afrika gaar ahaan Waqooyiga, Galbeedka iyo Bartamaha iyo kuwii guuldareystay.

Inkasta oo bariga ama geeska Afrika sanadihii u dambeeyay aanay ka dhicin Afgambi ama xukun marooqsi balse waxaa iyanna aafo ku noqday xukun isku dhejinta, daahinta Doorashada, muranka natiijada iyo waxyaabo kale oo aan afka dhaafsiisneen.

Disembar 2017, Dalka Equatorial Guinea waxaa ka dhacay isku day Afgambi oo fashilmay, Dalkaan dhaca Galbeedka Qaaradda Afrika waxa ay saraakiil katirsan Militariga ay isku dayeen in ay xukunka ka tuuraan Madaxweyne Teodoro Obiang Nguema balse uma suuragelin.

Waxaa ka dhashay in dad badan la xiro oo ilaa hadda ay ka welwelsan yihiin ehelkooda maadaama qaarkood aanay xog laga heyn uguna war dambeysay in ay xireen ciidamada ammaanka dalka Equatorial Guinea.

Janaayo 2019, Dalka Gabon waxaa guuldareystay afgambi lala damacsanaa Madaxweynaha Dalkaas, waxaana kahortagga sameeyay Ciidamada ammaanka oo kaashanaya Shacabka maadaama ay diidanayeen in xukunka qori caaraddiis lagu qabsado.

Abriil 2019, Jamhuuriyadda Sudan waxaa xukunka si xoog ah looga marooqsaday Madaxweynihii ugu waqtiga dheeraa ee Jamhuuriyaddaas Cumar Xasan Axmed Al-Bashiir oo marar badan dalabaad xarrig ah ay u dirtay Maxkamadda Dambiyada ee Caalamiga ee ICC.

Maarso 2020, Dalka Niger ee Galbeedka Qaaradda Afrika waxaa guuldareystay oo fashilmay iskuday afgambi oo lala damacsanaa in xilka uu kula wareego militariga Dalkaas iyada oo cambaareyn iyo eedeyn culus loo jeediyay saraakiisha tallaabadaas sameysay.

Agoosto 2020, Jamhuuriyadda Mali oo ay ku sugan yihiin ciidamo badan oo qaarkood ah kuwa reer Yurub waxaa xilka awood ula wareegay saraakiisha ciidamada qalabka sida waxaana ay kursiga kala wareegeen madaxweynihii xiligaas joogay.

2021, waa sanadii ugu badnaa ee Qaaradda Afrika ay ka dhaceen afgambi iyo isku dayo guuldareystay balse masoo afjarin xukun marooqsigaan ka dhacay dalalkaan si loogu qanco sanaadiiqda codbixinta shacabka.

Abriil, 2021 Jamhuuriyadda Chad waxaa ka dhaqangalay isku day afgambi oo ay sameeyeen ciidamada Militariga oo mar qura hareereeyay xarumaha iyo goobaha muhiimka ah ee dalkaas kana soo muuqdeen saraakiishu warbaahinta Dowladda.

May 2021, Mali waxaa markale ka dhacay isku day xukun marooqsi, waxaana markaas xilka si awood ah looga qabsaday Militarigii xilka ka tuuray Dowladdii doorashada ku timid wax ka yar sanad ayay xafiiska joogeen.

Sabtembar 2021, Guinea waxaa Dowladdii ka jirtay afgambiyay saraakiisha Militariga, halka isla bishaas uu fashilmay afgambi lala damacsanaa Jamhuuriyadda Sudan si markooda xukunka looga qabsado ciidamada talada qabsaday.

Oktoobar 2021, Sudan waxaa markale ka dhacay afgambi uu xilka ku qabsaday Jananka lagu magacaabo Cabdifitaax Al-burhaani oo durba dhisay Gole ka kooban Militariga, Bulshada Rayidka & siyaasiyiin saameynteedu yar tahay.

Sanadkii 2022, Afrika waxaa sidii tusbax go’ay oo kale uga sii socday afgambiga Militari oo sanadii ka horreeyay waqtigaas ay ka jireen waddamo intooda badan dhaca Galbeedka, Bartamaha iyo waqooyiga qaaraddaan.

Janaayo 2022 waxaa Dalka Burkina Faso xilka awood ku qabsaday Saraakiil militari, isla saraakiishaas xubno katirsan ayaa sii afgambiyay madaxdii ay heshiiska ku ahaayeen xukun marooqsiga Bishii Sabtember isla sanadkaas.

2023 waxaa markale afgambi guuleystay iyo mid fashilmay uu ka dhacay Saddex Dal oo kala dhaca Galbeed iyo Waqooyiga Qaaradda Afrika, waa dalal aan ugub ku ahayn xukunka xoogga lagu kala qabsano oo waxa ay ku jiraan liiska dalalkii aan kor kusoo sheegnay.

Abriil 2023, Jamhuuriyadda Suudaan waxaa ka dhacay isku day afgambi uu dhiig badan ku daaday oo ilaa hadda ay is hayaan labada janan ee ugu ciidamada badan ee markii hore heshiiska ku ahaa afgambinta madaxweynihii hore ee dalkaas Cumar Al-Bashiir.

Julaayo 2023, Galbeedka Afrika gaar ahaan Niger waxaa ka dhacay in taliyihii ciidanka Madaxtooyada uu xilka awood ula wareegay kuna dhawaaqay in uu xiray madaxweynihii dalkaas oo haatan xabsi ku jira.

Balse sheekada layaabka leh ayaa noqotay dhacdadii 29ka agoosto 2023 ka dhacday Dalka Gabon oo dadkiisu ay u dareereen codbixinta Doorashada in marqura ay ka war heleen in uu waddanku galay gacan Afgambi.

Weli si dhab ah looma ogaan sababta keentay in qaaradda Afrika ay joogto ka noqdaan afgambiga iyo habaca keenaya in laga warqabi waayo Saraakiisha Militariga ah ee Xukunka awoodda ku qabsanaya.

Like it? Share it!

Leave A Response